Dhaq-dhaqaaqyo ka socda Gobalka Hiiraan.

20 total views, 1 views today

Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ayaa saakay waxaa dhaq-dhaqaaq ciidan ay ka wadaan Deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Deegaanada ay Ciidamada Baaritaanada ka wadaan ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Fiidow oo kala qeybiya Gobalada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, kadib markii shalay halkaasi ay la wareegeen ciidamada Huwanta,

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ka baxeen Deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Hiiraan, iyadoona ciidamada Huwanta ah ay ku sii jeedaan deegaano kale oo Shabaab ay Joogaan.

Militariga Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa waxaa ay mudooyinkii ugu dambeeyeen howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka wadeen Deegaano ka tirsan Gobalada Shabeelooyinka, Hiiraan, Gedo, Jubooyinka, Bay iyo Bakool.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen Deegaano hoostaga Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.