Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Laga Dareemayo Qeebo Kamida Dalka Iyo Ciidanka Xooga Dalka Oo….

26 total views, 2 views today

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Ee Gobolka Shabellaha Hoose Ayaa Sheegay In Ciidamada Milatariga Soomaaliya Ay Al-Shabaab Ka Saari Doonaan Degmada Salbaale Ee Gobolka Shabellaha Hoose Oo Ay Hadda Maamulaan Xarakada Al-Shabaab.

Ibraahim Aadan Cali Oo Ka Mida Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Ayaa Tilmaamay In Degaanada Hoostaga Degmada Sablaale Ay Al-Shabaab Ka Carareen,Iyadoo Uu Xusay In Shabaab Aysan Laheyn Awood Ay Isaga Difaacaan Ciidamada Milatariga Ee Weerarka Ku Ah.

Al-Shabaab Ayaa Guud Ahaan Maamula Degmada Sablaale Ee Gobolka Shabellaha Hoose,Waxaana Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Ay Ku Goodinayaan In Ay Shabaab Ka Saari Doonaan Degmadaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Horay U Sheegay In Ciidamada Dowladda Iyo Saaxiibadood Ay Dalka Ka Xoreyn Doonaan Dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.