Dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna oo maanta ka dhacaya Dhuusamareeb

22 total views, 1 views today

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa maanta ka dhaceysa dhameystirka heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Amaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana Magaalada ku qul qulaya mas’uuliyiin badan oo dowlad Goboleedayda iyo dowladda Federaalka ahba ka socda.

Magaalada hadda waxaa ku wada sugan dhamaan Siyaasiyiinta mucaaridka iyo muxaafidka ah ee ka soo jeeda Galmudug,kuwaas oo Dhuusamareeb u tagay ka qeybgalka  munaasibadda isku darka Maamullada Galmudug iyo AHlu Sunna.

Labada dhinaca ayaa heshiis gaaray Bishii December ee Sanadkii la soo dhaafay waxaana munaasibadda lagu gaba gabeynayo heshiiska la iskuna darayo labada maamul ka dhaceysaa Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.