Dhalashadii Nabiga Muhamed (N.N.K.H) Qeybtii Shanaad (5)

281 total views, 6 views today

Nabigu Waxa Uu Dhashay Maalin Isniina Laba Iyo Tobanka Rabiicul Awal 12/03 Ee Sanadka Hijriga Oo Ku Beegan 571 Miilaadka.

Maalintaa Waxa Dhacay Arrimo Waaweyn Oo Mucjiso Ah, Waxa La Sheegaa In Afar Iyo Toban Barande Oo Ka Mid Ah Qasrigii Boqorkii Faaris Ay Dumeen Sidoo Kale Waxa Damay Dabkii Majuuska.

Sida Laga Soo Wariyo Xasaan Ibnu Thaabit Waxa Uu Yidhi ” Maalinta Uu Dhashay Nabigu Waxaan Ahaa Kuray Laakiin Garaad Lah, Waaxaan Maqlay Anoo Joogaa Magaalada Madiina (Yathrib) Nin Yahuudiya Oo Qaylinaya, Kadibna Waxa Iskugu Soo Ururay Yahuudii Waxaanu Ku Yidhi Maanta Waxa Soo Baxay Xidigii Axmed).

Dhalashadii Nabigu Waxay Ahayd Mid Sahlan, Oo Aamina Maysan Dareemin Wax Culays Ah Markay Uurka Kusiday, Markay Umushayna Waxay Aragtay Nuur Iftiimiyey Dhulka Shaam.

Waxa Maqlay Warkii Dhalashada Nabiga Awoowgii Abdul-Mudalib, Kadiban Isagoo Faraxsan Ayuu U Yimi Hooyadii, Waxaanu Ku Qabtay Laabtiisa Oo Shuumiyey – Dhunkaday. Kadibna Waxa U Qaaday Kacbada Oo Ku Dawaafay Isagoo Farxsan Oo Bushaaraysanaya. Nabiga Awoowgii Ayaa U Bixiyey Magaca Muhammed.

Waxa La Gudo Galay Cidii Naas Nuujin Lahayd Wiilka Yar, Waxaana Iman Jiray Magaalada Makkah Dumar Nuujiya Caruurta, Waxa Ka Mid Ahayd Xaliimo Sacdiya. Haweenkii Markay Maqleen In Uu Yahay Wiilku Agoon Maysan Qaadanin, Ayagoo Cabsi Ka Qabay Lacag La’aan. Sanadku Waxa Uu Ahaa Abaar Ba’an, Waxaana Jirtay Gaajo Iyo Abaar Baaxsan Oo Ku Fiday Gobolka, Hase Ahaatee Xaliimo Markay Wayday Cid Kale Oo Ay Nuujiso Ayey Ku Dhiiratay Inay Qaadato.

Isla Markay Naaska Ku Duwdayba Waxa Dararay Naaskeedii Oo Caano Ayuu Eebe Ka Keenay, Waxa La Yaab Ku Noqotay In Naaskeedii Caano Yeesho Sabatoo Ah Willkeedii Ay Dhashayba Way Uga Wayday. Barakadii Cunaga Yar Ayaa Soo If Baxday Sidoo Kale Nabigu Waxa Uu Nuugay Hal Naas Oo Kaliya Isagoo Walaalkiisa Kale Ee Naaska La Nuugaya Uga Tagaya Ka Kale. Cunugii Ay Xaliimo Dhashayna Waa  Gam’ay Markuu Dhamay Caanihii. Xaliimo Iyo Saygeedii Waxay U Kaceen Magaaladii Ay Daganaayeen, Waxayna Wateen Dameer Gaabis Ahaa Hase Ahaatee Markay Nabiga Soo Qaadteen Ayuu Dameerkii Ka Dheereeyey Sidii Hore, Laxdii Ay Wateena Way Darartay Oo Caano Ayaa Ka Soo Burqatay. Barakada Nabiga Darteed Ayey Xoolihii Helaan Daaq Wanaagsan Illamaa Ay Jaarkii Xaliima Ay Ku Dhaheen Ubadkoodii Xoolaha Soo Daajiya Meesha Ay Daaqaan Xaliimo Xoolaheedu.

Laba Sano Kadib Ayey Xaliimo Siyaaratay Aamina Si Loogu Celiyo Nabiga Hooyadii, Hase Ahaate Barakadii Ay Ku Aragtay Cunuga Awgeed Maysan Jeclaysanin Inay Nabiga Hooyadii U Celiso. Markay U Geysay Hooyadii Ayey Xaliimo Ku Tidhi Aamina ”Wiilka Waxaan Uga Cabsanayaa Xanuunada Makkah

Ee Hayla Joogo Aniga. Aaminana Way U Ogolaatay In Uu Mudo Kale La Joogo Xaliimo Sacdiya Ilaahay Raali Haka Ahaadee.

Maalintii Dnabe Nabiga Iyo Walaaladii Oo Cayaaraya Ayaa Waxa U Yimi Laba Nin Oo Maryo Cad Huwan, Kadibna Waxay Qabteen Muhammed Soona Saareen Wadnihiisa Oo Biyo Ku Dhaqeen Dabadeedna Ku Celiyeen Meeshiisii Ayagoo Tolay Laabtiisa. Caruurtii Ayaa Orday Oo U Sheegay Hooyadood, Isla Markay Xaliimo U Timid Ayey Fiirisay Wajigiisa Oo Isbadalay. Xaliimo Saygeedii Ayaa Amray In Loo Celiyo Wiilka (Muhammed) Hooyadii Aamina. Hooyadii Markii Loo Keenay Ayey Dareentay In Sabab Ku Qasabtay Jirto In Ay Soo Celiyaan Cunuga, Is Waraysi Kadib Waa Loo Sheegay Dhacdadii Asiibta Cunuga Yar, Sidaasaanu Ugu Gacan Galay Hooyadii Aamina.

Nabiga Waxa Uu Ku Noolaa Nolol Farxad Leh Iyo Barwaaqo, Maalintii Danbe Ayey Aamina Doontay Inay Booqasho Ugu Tagaan Nabiga Reer Abtigii Oo Deganaa Magaalada (Madiina)  Waana Qabiilka (Bani Cadiy Bani Najaar). Reer Abtigii Ayaa Soo Dhoweeyey Kuna Farxay Booqashadiisa, Da’diisuna Waxay Ahayd Markaa Lix Sano. Booqashadii Kadib Waxay Usoo Kaceen Magaalada Makkah Oo Ah Deegaankoodii Laakiin Markay Marayeen Mandiqada ( Al-Abwa) Ayey Aamina Dareentay Jirro Kusoo Booday Dabadeena Halkaas Ayaa Lagu Oofsaday.

Waxay Ku Noqotay Nabiga Naxdin Iyo Anfariir Waxaanu Waayey Hooyadii Isagoon Horena U Arkin Aabihii Oo Ka Hor Geeriyooday Intuu Uurka Ku Jiray. Nabiga Waxa Loo Soo Qaaday Dhankaas Iyo Awoowgii Iyo Magaalada Makkah Waxaana Kafaalo Qaatay Awoowgi Cabdul-Mudalib.

Cabdul-Mudalib Aad Ayuu U Jeclaa Wiilka, Waanu Ka Fadili Jirey Caruurtiisa Kale Oo Ah Nabiga Adeeradii Iyo Eedooyinkii. Waxayna Caado U Lahaayeen Maadaama Uu Cabdul-Mudalib Yahay Sayidkii Reer Qureesh Waxa Loo Gogli Jirey Sajaayad (Salli) Uu Ku Fadhiisan Jirey Kadibna Ubadkiisa Ayaa La Fadhiisan Jirey Hase Ahaatee Looma Ogolayn In Cid Aabahood Ka Horeysa Ay Fadhiisato Booskiisa Ixtiraam Awgii. Sikastaba Ha Ahaatee Nabiga Waa Loo Ogolaa Inuu Fadhiisto, Awoowgii Cabdul-Mudalib Waxa Uu Masaxi Jiray Madaxiisa Iyo Dhabarkiisa Waxaanu Odhan Jiray Wiilkayga  Arrin Waynbaa U Sugnaatay! Sanadadii Uu La Noolaa Awoowgii Maysan Sii Raagin Ee Laba Sano Kadib Ayaa La Oofsaday Cabdul-Mudalib.

Geeridii Awoowgii Kadib Waxa Kafaalo Qaatay Adeerkii Abu-Daalib, Waanu Garab Istaagayna Markuu Ubaahnaa. Adeerkii Waxa Uu Baray Xirfada Ganacsiga Iwm.

Markay Da’diisu Ahayd 12 Sano Ayaa Adeerkii U Kaxeeyey Dhankaas Iyo Shaam, Markay Gaadheen Mandaqada ( Taysari) Ayey La Kulmeen Nin Baadari Ahaa Oo Haystay Diintii Nasaarada Kadibna Waxa Uu Fiiriyey Wiilka Yar Oo Eegaya Labadiisa Garab Dhexdiisa Waxanu Ku Arkay Calaamad Ama Astaan Tilmaamaysa Inuu Nabi Yahay. Baadaraigii Ayaa Waydiiyey Adeerkii Wiilka Aabihii Waxaanu U Sheegay In Wiilka Uu Dhalay Isagu Laakin Baadarigu Waa Ka Biyo Diiday Oo Waxa Uu Yidhi Adigu Maad Dhalin Wiilkan Ee Aabihii Ma Noolaa, Dabadeedna Abu-Daalib Ayaa Yidhi Haa Aabihii Waa Geeriyooday.

Kadibna Baadarigii Ayaa U Sheegay In Wadadii Ay Soo Mareen Dhirtii Iyo Dhagxaantii Taalay Ay Usuujuudeen, Waxaanay Usuujuudaan Oo Kaliya Nabiyada.

Markay Yaqiinsadeen In Wiilka Yar Uu Barakaysanyahay Oo Mustaqbal Wayn Leeyahay Ayuu Baadarigii Ku Yidhi Wiilkan Waan U Cabsanayaaye Ee Ku Celi Magaaladii Ay Ka Yimaadeen Makkah, Halkaasbaa U Roonee, Kadibna Waxa Uu Adeerii Ku Daray Rag La Socday Oo Geeyey Magaaladii Makkah.

Waxa Halkaa Inooga Cad In Calaamadihii Nabanimo Ay Ka Muuqanayeen Nabigeena Isagoo Da’diisu Ay Aad Uyartahay. Waxaanad Ogsoonaataan Dadka Diinta Kiristanka Haysta In Ay Garanayaan In Diinta Islaamku  Tahay Diinta Saxda Ah Oo Una Kala Garanayaan Sida Awlaadooda (Ubadkooda).

LASOCO QEYTA XIGTA INSHA ALLH

18 Comments

  1. Viagra Brand Vs Generic Levitra 5 Mg Tutti I Giorni Pump It Global Caplet [url=http://drugslr.com]online cialis[/url] Order Prednisone Canada Buy Vardenafil Levitra Free Cialis Samples Vente De Tadalis Sx En France [url=http://drisdol.com]buy cialis online[/url] Donde Puedo Comprar Cytotec Sin Receta

  2. Hello there,

    My name is Aly and I would like to know if you would have any interest to have your website here at warqaat.com promoted as a resource on our blog alychidesign.com ?

    We are in the midst of updating our broken link resources to include current and up to date resources for our readers. Our resource links are manually approved allowing us to mark a link as a do-follow link as well
    .
    If you may be interested please in being included as a resource on our blog, please let me know.

    Thanks,
    Aly

  3. Viagra Popular British Websites Cephalexin Parrots Seroquel [url=http://4rxday.com]cialis cheapest online prices[/url] Secure Ordering Acticin Tablet Website With Next Day Delivery Quanto Costa Il Cialis Tadalafil

  4. Cialis Madrid En Mano Dosis De Propecia Quanto Costa Cialis In Farmacia [url=http://kamxl.com][/url] Canadian Drug By Mail Tretinoin Generic Priligy Tablets

  5. Isotretinoin Izotek From Canada Direct Low Price Overseas Online Amoxil No Prescription [url=http://drisdol.com]cialis 20mg price at walmart[/url] Keflex Similar Medications

  6. I do not know whether it’s just me or if perhaps everyone else experiencing issues
    with your blog. It appears as if some of the text within your
    posts are running off the screen. Can someone else please comment and let
    me know if this is happening to them too? This could be a problem with
    my internet browser because I’ve had this happen before.

    Thanks

  7. This design is steller! You certainly know how to keep a reader entertained.
    Between your wit and your videos, I was almost moved to start my own blog (well,
    almost…HaHa!) Excellent job. I really loved what you had to say,
    and more than that, how you presented it. Too cool!

  8. Amoxicillin For Rabbits Cialis Nelle Urine Amoxicillin Prescribing Info [url=http://drugslr.com]cialis overnight shipping from usa[/url] Cialis A Buon Prezzo

  9. What i don’t understood is in fact how you’re not really a lot more neatly-favored
    than you might be now. You’re so intelligent. You understand thus considerably in terms of this subject, made me
    personally consider it from numerous varied angles.
    Its like women and men aren’t involved except it’s something to accomplish
    with Lady gaga! Your own stuffs great. Always maintain it up!

  10. number 1 medical school viagra boots the chemist pfizer generic viagra is there safe generic viagra symptoms of std men jelly belly viagra [url=http://www.edwithoutdoctor.com/#]viagra generic[/url] order viagra overnight shipping

Leave a Reply

Your email address will not be published.