Dhageyso:-Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Sarkaalkii Dilay Siciid Mariino

13 total views, 1 views today

Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira  Dil iyo Darajo Qaadis ku ridday G/sare C/naasir Xoosh oo dilay EX. Abaanduulihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed Siciid Aadan yuusuf (Siciid Mariino).

Kadib dhagayesiga dacwadda loo haystay C/naasir Xoosh oo maalmahan ay maxakamadda hortaalay ayaa la soo geba gebeyeey iyadoo go’aan ay ka gaartay Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaana sheegay in xukun dil toogasho ah lagu riday C/naasir Xoosh.

Admiral Siciid Aadan yuusuf (Siciid Mariino) ayaa lagu dilay gudaha Dekedda Muqdisho 19kii bishii tagtay ee Janaayo 2018,wuxuuna door muuqda uu ku dhexlahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali nuur shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamada.

Hoos Ka Dhageyso Codka xukunka.