DHAGEYSO: Wasiirkii hore ee amniga oo ka jawaabay hadal kasoo baxay NISA

910 total views, 1 views today

War habeenkii xalay ahaa barta Twitterka ee NISA lasoo dhigay ayaa lagu sheegay in ay hakiyeen qandaraas malaayiin uu ku baxaayay oo uu saxiixay wasiirkii hore ee amniga isla markaasna ay u gudbiyeen Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Inkastoo warka kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka aanan lagu sheegin qiimaha qandaraaskaas uu ku baxaayey iyo nuuca uu yahay qandaraaskaaas iyo weliba wasiirka amniga ee saxiixay wasiirka uu yahay.

Hase ahatee wasiirkii hore ee amniga ee ugu dambeeyay dowladii Xasan Shiikh Maxamuud, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Warqaat.Com ee Magaalada Muqdisho lasoo xiriiray ayaa sheegay in dowladda ay Hay’adda NISA u adeegsanayso in ay ku baqdin geliso siyaasiyiinta ka aragtiada duwan.