DHAGEYSO:-Wasiir Isloow “Markii la xiray Wadooyinka Al-shabaab ayaa dadka soo dhax galay oo ka hadalsiinaya”.

21 total views, 2 views today

(Warqaat.Com)—Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka hadlay Wadooyinka magaalada Muqdisho ee xiran wuxuuna sheegay in markii la xiray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho laga hortagay weeraradii Al-shabaab ay geysan jireen, Balse shacabka ku nool magaalada ay ka dhiidhiyeen xirnaashaha wadooyinka taasina ay keyntay in la dabciyo xirnaashaha Wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay markii ay fududeeyeen Xirnaanshiyaha Wadooyinka ay Al-Shabaab u fudu-daatay iney magaalada soo galaan oo ay weeraro ka geestaan sida uu hadalka u dhigay.

“Markii jidadka la xiray nimankaan nabad diidka Al-Shabaab waxay soo dhex galeen shacabka oo ay ka dhex hadal siinayaan, Shabaab waa dad Soomaaliyeed oo anaga nagu dhex jira, waxaa aaminsanahay in waxa meelaha ka hadlaya ay iyaga yihiin, markii  jidadka la dabciyayna waxaa dhacday weerarkii Sabtidii la soo dhaafay”ayuu yiri Wasiir Ducaale oo wareysi siiyay Telefishinka RTN.

Mar uu ka hadlayay ciidanka Xasilinta ee suga Amniga Caasimadda ayuu sheegay inay wax badan ka bedeleen amniga Caasimadda, isla markaana ay ku saleysan yihiin ciidamada qalabka sida.