Dhageyso:-Wasaaradda Amniga Oo War Ka Soo Saartay Qarixii Iyo Weerarkii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

17 total views, 1 views today

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixisay qaraxyadii iyo weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo khasaarihii ka dhashay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo la hadlay Warqaat.Com ayaa sheegay in weerarkaaas uu ahaa mid ay fashiliyeen isla markaana ay toogteen 5 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ahaa raggii weerarka soo qaaday sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu beeniyay in raggii weerarka soo qaaday ay galeen Xerada Dhagaxtuur,balse waxa uu sheegay in inta aysan gaarin la toogtay dagaal kooban oo ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Siyaad iyo Isgoyska Sayidka ugu dambeyna lasoo afjaray.

Waxa uu Warbaahinta qaarkood ku eedeeyay in ay si an wanagsaneyn u tebiyaan qarixii iyo weerarkii xalay oo uu sheegay in laga dhigay in raggi weerarka soo qaaday ay ku wajahnaayeen Madaxtooyada iyaga oo ka dagaalamay meen aan ka fogeyn.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) sicad faah faahin ugama bixin khasaarihii Ciidamada iyo dadka Shacabka ahba ka soo gaaray qaraxaas iyo weerarka marka laga reebo in ay dileen 5 Ruux oo ahaa raggii weerarka soo qaaday laakin uu sheegay in Maanta ay faah faahin doonaan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi Casiis Cali Ibraahim oo dhameystiran.