DHAGEYSO: Wararkii Ugu Dambeeyay Dad Shacab ah oo lagu laayay Duleedka Muqdisho…

20 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)– Falka lagu dilay haweenka ayaa maanta waxa uu ka dhacay duleedka Magalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Al-birri oo u dhow deegaanka siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay ka dambeeyeen dilkaas,ka dib markii ay rasaas ku fureyn Ciidamada dad isu-soo baxay kuwaas oo kasoo horjeeday howlgal bur burin ah oo ay ciidamadu wadeen.

Qof ka mid ah dadka goobta ku sugnaa markii ay ciidamada rasaasta furayeen ayaa waxa uu sheegay in ay geeriyoodeen laba Haween ah iyo Cunug yar,kuwaas moo meydkooda loosoo qaaday Xarunta Dambi-baarista CID-da ee Magalada Muqdisho.

Falkaasi dilka ah ka dib dadka ku nool Xaafada Al-Birri ayaa waxa ay dhigeyn banaanbax ay uga soo horjeedan dilkaas,iyaga oo codsanayey in gacanta lagu soo dhigo ciidamadii ka dambeeyey dilkaas.