Dhageyso:- Ugaas Cabdirashiid “Weerarka Gurigay Lagu Sooqaaday Aniga Ayaa Lagu Dili rabay”

18 total views, 1 views today

Ugaas Cabdirashiid oo ka mid ah Odayaasha Dhqanka Gobolka Gedo oo la soo xiriiray Warqaat.com Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Hoygiisa ay soo weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland.

Ugaaska ayaa sheegay in Ciidamaas uu horkacayay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur ( Janan) ay weerareen Gurigiisa oo ku yaalla degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Ugaaska in Xalay Maqribkii ay Gurigiisa tageen ciidamada Jubbaland balse isaga uu ka maqnaa balse ay ka qaateen lacag Guriga u taalay oo dhan  $2500 oo (Dollar).

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in Caruurtiisa la qalqal geliyay isagana uu xiligii Galabtii aheyd uu Gurugiisa isga cararay kadib makii uu ka warhelay in lagu soo wajahan yahay.

Weerarkaan ayaa waxa uu u sababeeyay in uu masuul ka yahay Nin Oday ah oo ka mid ah Waxgaradka degmada Luuq oo uu doonayay in uu xilka kala wareego balse uu diiday sidaasna lagu soo weeraray oo la doonayay in la dilo sida uu hadalka u dhigay.

DHAGAYSO