Dhageyso:-Taliyaha Ciidanka Cirka”Dhulkii Ciidanka Masuuliyiin Ka Tirsan Dowladda Ayaa Boobay”…

22 total views, 1 views today

Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Generaal Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Beyloot) Oo Maanta Khudbad Ka Jeedinayay Munaasabad Lagu Xusayay  58-Guuradii Ka Soo Wareegtay Aas-Aaskii Cidianka Cirka Soomaaliya Ayaa Ka Sheekeeyay Waxqabadkii Ay Mareen Ciidmada Cirka Iyo Duruufaha Heysta Haatan.

Waxa Uu Sheegay Taliyaha In Ciidamada Cirka Ay Ahaayeen Kuwo Aad Loo Yaqaano Kana Tilmaaman Qaarada Afrika Kuwaas Oo Xiliyada Ay Dagaalada Socdaan Ay Ciidamada Kale Ka Taageeri Jireen Dhinaca Circa Iyaga Oo Hubka Iyo Biyaha U Geyn Jiray.

Khudbadiisa Oo Aad U Dheereyd Ayaa Waxa Uu Ku Sheegay In Xarumihii Ciidamada Cirka Soomaaliya La Boobay Isla Markaana Ay Xoog Hu Heystaan Msuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Gaadiidka,Waxa Uuna Ugu Baaqay Wasiirka Gaashaandhigga In Arrintaas Uu Ilgaar Ah Ku Hayo.

Waxa Uu Ugu Dambeyn Sheegay In Haatan Ciidanka Cirka Uu Yahay Mid Soo Kabsanaya Isla Markaana Saddexda Sano Ee Socota Ay Meel Wanaagsan Gaari Doonaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka