DHAGEYSO: Taliska booliska Koonfur Galbeed oo baaq u diray shacabka

462 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Kulamadii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa looga hadlay ammaanka guud ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Gen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa wuxuu sheegay inay muhiim tahay xaqiijinta ammaanka degaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo, maadaama dhawaan ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka ka baxsan ammaanka ee mararka qaar dhaca.