DHAGEYSO: Soomaaliya Oo Go’aan Culus Ka Gaareysa Arinta Dalalka Khaliijka & Yaa la safan donaa markaan”

25 total views, 3 views today

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka hadlay Muranada kasoo laabtay fal celin ahaanta sida ay Dawlada Soomaaliya uga go’aan qaadatay Arimaha Khaliijka.

Bishii June Sanadkii hore 2017 ayaa Dalalka Khaliijka waxay saareen cunuqabateyn ayna xiriirka ugu jareen Dawlada Qatar taas oo keentay Guux siyaasadeed badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amray in Wasiirka Arimaha Dibada Axmed Ciise Cawad uu go’aan ka qaato Xiisada Khaliijka oo ay wax badan isweydiinayaan diblomaasiyada qaabka Soomaaliya uwajahday.

Amarka Madaxweyne Farmaajo ayaa shaki badan Abuuraya taas oo laga yaabo in Dawlada Qatar la gacan bidixeeyo oo madax shabeeliskii lagu waday hadda ay noqoto mid xaaladu ku xumaato.

Dawlada Soomaaliya ayaa hore waxay Mowqif dhex dhexaadnimo ah kaga qaadatay Xiisada Khaliijka lamana oga Go’aanka ugu dambeeya ee ka qaadan doonto dhawaan.