Dhageyso:-Sababta Xilka Looga Qaaday Gudoomiyihii Degmada Mahadaay….

24 total views, 1 views today

Shalay Ayay Aheyd Markii Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Xilkii Looga Qaaday Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Cabdullaahi Maxamed Xuseen Geeldoox.

Waxaa Jiray Warar Soo Baxayay Oo Sheegay In Ay Keentay Xilka Qaadistaas Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle Iyo Gudoomiye Geeldoox,Balse Waxaa Arrinkaasi Beenisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Dowladdaha Hoose Ee Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle Oo La Hadlay warqaat.com Ayaa Sheegay In Wararka Sheegaya Khilaafka Oo Ku Lugleh Dhisida Gole Deegaan Aan Waxba Ka Jirin.

Waxa Uu Sheegay In Sababta Xilka Looga Qaaday Ay Tahay Arrin Gaar Ah Oo Uusan Dooneyn In Xiligaan Warbaahinta Laga Sheego.

Marka Laga Soo Tago Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Dowladdaha Hoose Ee Hir-Shabeelle Ayaa Waxaa Warar Ay Heshay Dalsan Ay Sheegayaan In Gudoomiyihii Xilka Laga Qaaday Ee Degmada Mahadaay Uu Khilaaf Kala Dhaxeeyay Ciidamada Milateriga Ee Ku Sugan Degmadaas.