DHAGEYSO: Muuse Biixi Oo Shuruud Ku Xiray Wadahadallada Soomaaliya & Soomaaliland

3,033 total views, 1 views today

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo kormeer ku maraya deeganada Bari ee Soomaaliland ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin wadahadal ay la galaan Soomaaliya,isaga oo ku eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka inay ka been sheegeen Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay warbixino dhibaato ku ah Soomaaliland u gudbiyeen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay,in kastoo uusan sicad u sheegin warbixintaas.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Soomaaliland ay xilligaan tahay mid adag,waxana uu sheegay in sababaha kaliya ay kuwada hadli karaan ay tahay in Soomaaliya ogolaato xurnimada Soomaaliland.

Tiro dhowr jeer ayay fashilmeen wadahadalo la doonayay inay dhexmaraan Madaxda Dowladda iyo kuwa Soomaaliland,waxaana dowladda Soomaaliya ay ku celcelisaa inay Soomaaliland wadahadli doonaan.

Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.