DHAGEYSO: Maxay tahay sababta isbadalada badan loogu sameeyo Maamulka Gobolka Hiiraan ?

956 total views, 2 views today

Iyadoo si rasmi ah Duqa degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan xilka uu uga qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle uuna Duqa cusub u magacaabay degmadaas.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa lagu sheegay in kadib markii uu Duqa Baladweyne uu ku dhaqaaqay amar diido iyo xil gudasho la’aan iyo soo jeedin ka timid Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Hiiraan in xilkii laga qaaday Duqii degmada Baladweyne Cali Cabduqaadir Faarax (Sandheere) waxaana loo magacaabay Khadar Xasan Afrax Duqa cusub ee Degmadaasi.

Wasiir Caadle ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa isbedelada badan in lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan, waxaa uuna sheegay in culeys kaga yimid darted xildhibaanada kasoo jeeda gobolkaasi ay sidaas u sameeyeen.

Waxa uu xusay in xildhinaadu ay culeys kala kulmaan beelaha kasoo jeeda Baladweyne, iyana ay ku cadaadiyaan wasaarada in ay isbedel sameyso, sidaasna ay keeneyso isbedalada badan ee xagga maamulka ah ee ka dhaca Gobolka Hiiraan.

Maalmahii lasoo dhaafay waxaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka taagneed xiisad ka dhalatay xilka qaadis uu guddoomiyaha Gobolkaas ku sameeyay Duqii degmada Baladweyne, in kastoo markii dambe ay soo faragalisay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle.