DHAGEYSO: Madaxweynihii Hore Somalia Ee Cabdiqaasim Oo Farriin U Diray Mucaaradka Dowlada Farmaajo

19 total views, 1 views today

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo si wadajir  horumarinta dalka .

Waxaa uu sheegay in dadka Mucaaradka ah looga baahan yahay in ay soo bandhiggaan qaladaadka dowladda oo kaliya, islamarkaana aan loo baaheyn Mucaarad wax duminaaya.

Cabdiqaasim ayaa sidoo kale tilmaamay in aa maanta loo baahneyn Mucaarad doonaya in ay dowladda riddaan.

Waxaa uu sidoo kale xusay in laga shaqeeyo Midnimada Soomaaliya in ay keeni karto sare u qaadida Horumarinta iyo meesha hadda la jooggo in laga hormaro.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay soo dhaweyso dadkeeda, islamarkaana ay la tashato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.