DHAGEYSO:-Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland iyo xubno kale oo gaaray G/Sanaag.

23 total views, 3 views today

Warqaat.Com):-Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag u tagay sidii ay u damin lahaayeen colaada ka taagan degmadaasi, xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed.

Wafdi madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa culimo iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland, dhamaantoodana waxaa ay qeyb ka qaadanayaan Xalinta dagaal beeleed ka tagaan degmada Ceel afweyn ee gobalka Sanaag.

Tirada xubnaha tagay Degmada Ceel Afweyn ayaa waxaa ay gaarayaan 66 Xubnood, waxaa ayna degmada ka bilaabeen in ay kulamo la qaataan dhinacyada ku dagaalamaya degmada Ceel afweyn ee gobalka Sanaag.

Madaxweyne Seylici oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan sidii xal waara ugu gaari lahaayeen colaada u dhexeysa labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Ceel afweyn.

Sanadihii ugu dambeeyay Degmada Ceel Afweyne ee gobalka Sanaag  ayaa waxaa dagaal ku dhexmarayay labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmadaasi, iyadoona haatan ay socdaan dadaalo lagu xalinayo colaada ka taagan degmadaasi.