Dhageyso:-Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Amar Ku Soo Rogay Shacabka Gobolkaas

17 total views, 1 views today

Cali Jeyte Cismaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Ayaa Soo Saaray Amar Ku Socda Shacabka Ku Nool Gobolkaas Kaas Oo Ku Saabsan In Geedka Loo Yaqaano (Geed Yahuud) Dadka Qaarkiisna U Yaqaanaan ( Cali Garoobka) Qof Walba Uu Hoygiisa Ka Jaro.

Gudoomiyaha Ayaa Si Gaar Ah Ugu Dalbaday Dadka Leh Dhulalka Banaan Ee Ku Yaalo Duleedka Magaalada Baladweyne In Ay Si Deg Deg Ah Ay Uga Jaraan Geedkaasi Madaama Sida Uu Sheegey Uu Gabaad U Noqday Kooxaha Dhibaateeya Shacabka Sida Uu Hadalka U Dhigay.

Waxa Uu Sheegay In Cid Alaala Cidii Amarka Uu Soo Saaray Maamulka Gobolka Hiiraan Fulin Weysa Uu Tallaabo Shric Ah Ka Qaadi Doono Isla Markaana U Aqoonsan Doonaan In Ay U Shaqeeyaan Cadawga Sida Uu Sheegay Gudoomiye Jeyte.