Dhageyso:-Maamulka D/Afgooye Oo Qiray In Degmada Qayb Ka Mid Ah Ay Maamulaan Shabaab

19 total views, 1 views today

Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ragii shalay degmada afgooye ku dilay Macalin Abuukar Qaasim ay u baxsadeen qeyb ka mid ah degmada Afgooye.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal Nuunoow oo la hadlay Warqaat.Com ayaa sheegay in Shabaabka mararka qaar dilalka ka fuliya Afgooye ay u baxsadaan dhanka Xaafada Galawar oo ay Al-Shabaab maamulaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Xaafadaas aysan ku sugneyn ciidamo ka tirsan dowladda taas oo shahasha in ay Al-Shabaab maamulaan sida uu hadalka u dhigay.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa marwalba waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyada oo maamulku uusan ku guuleysan in ay qabtaan dadka ka dambeeya dilalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhigga Afgooye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.