DHAGEYSO: Ma Ka Laabatay Itoobiya Heshiiskii Soomaaliland & DP World Ay Kol Hore La Gashay?

22 total views, 1 views today

Heshiiska La Daah furay Isbuucii hore Ballaarinta lagu sameenayo Dekada Magaalada Ber bera ayaa hadda waxaa soo baxaya Tuhuno hor leh sida ay Itoobiya galaan galkeedii noqon karo.

Waxa Ka Maqnaa Heshiiskaan oo aan soo xaadirin Dawlada Itoobiya oo calaamad su’aal durba la saaray,taas oo la leeyahy wax badan ayaa la iska weydiinayaa maqnaashiyahooda.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Heshiiska la daah furay waxa uu sheegay in cadow badan uu yeeshay mudada Ber bera Loo gacan geliyey Shirkada DP World isagoo carab dhabay dawlada Soomaaliya.

16 Bishii June Ee Sanadkaan ayaa R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo muddo Bil ah xilligaas xilka hayey waxa uu Socdaal ku yimid Magaalada Muqdisho.

Waxa Uu kulan gaar ah la qaatay Markii uu yimid Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo kawada hadlay Arimaha Diblomaasiyada,Amniga,Dhaqaalaha,iyo Mideynta Labada Shacab.

Madaxweyne Farmaajo Waxa uu Sheegay inay fursad usiiyeen Dawlada Itoobiya inay Maal gashi ku sameysan Karaan Afar Dekadood Oo Soomaaliya ku yaalla.