DHAGEYSO: Koonfur Galbeed oo sheegtay inay dishay sarkaal Shabaab iyo ilaaladdiisa

34 total views, 2 views today

Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab oo lagu magacaabo Macalin Deerow iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa ayaa waxaa lagu dilay degaanka Lafoole oo qiyaastii 30-KM ujira degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Inta uu socday hawlgalka raggan lagu dilay ayaa sidoo kale ciidamada waxa ay gacanta ku dhigeen Afar qori oo nuucooda uu yahay AK-47, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda federaalka.

Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar kedis ah ku qaadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo hawlgal amni xaqiijin ah ka waday degaanka Lafoole.