DHAGEYSO: Howlgallo Ka Dhan Ah Al Shabaab Oo Ka Bilaabanaya Galgaduud

22 total views, 1 views today

Guddoomiyaha gobolka Galgauud Nuur Axmed Xasan oo la hadlay Warqaat.Com ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Al Shabaab looga saarayo guud ahaan gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaabi koonfurta gobolka oo uu xusay in ay ku xoogan yihiin dagaalayahannada Xarakada Al Shabaab.

Waxaana uu intaasi ku daray in ay ka go’antahay ka maamul ahaan, sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen deegaanada weli ka maqan maamulka Galmudug

Nuur Axmed Xasan guddoomiyaha gobolka Galgauud ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka shacabka ah ee deegaanadaasi in ay isku tashadaan, islamarkaana ay taageeraan howlgllada ka socda gobolkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.