DHAGEYSO: Gen. Indha qarshe “Dooman ay Shabaab lahaayeen ayaan buruburinay”

22 total views, 1 views today

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa wuxuu sheegay hawlgal ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe inay ku burburiyeen dooman ay isticmaalayeen Ururka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay Shabaab inay mar walba isku dayaan inay dhibaateeyaan shacabka, ciidamada xoogga dalkana arrintaasi ay ka soo horjeedaan oo habeen iyo maalinba ay difaacayaan.

General Indha qarshe ayaa wuxuu sidoo kale sheegay hawlgalada in keliya aysan ku koobneyn gobolka Shabeellaha Dhexe, balse xoogooda uu ka socdo gobolada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.

“Doonyo waxay sameysteen oo yar yar, oo biyaha ay uga kala gudbaan, doonyihii qaar waan gubnay qaarna gacanta ayaan ku dhignay, waxay mar walba dhibaateeyaan shacabka beeraleyda ah, balse annaga kama yeeli doono arrintaasi, hawlgalada waxay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaan dhawaan isku furnay wadooyin badan oo horey Shabaab ay go’doomiyeen”. ayuu yiri Gen. Indha qarshe.

Ciidamada xoogga dalka ayaa laba jibaaray hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, waxayna dhawaan ku guuleysteen inay isku furaan wadooyin ay go’doomiyeen Shabaab, islamarkaana la wareegaan deegaano muhiim ah.