DHAGEYSO: Galmudug Oo Isku Diyaarineysa Duulaan Dagaal Ay Qaado & Halka Ay Ku Wajahan Yihiin Oo…

26 total views, 1 views today

Gudoomiyaha Gobolka Gal gaduud Ee Galmudug Axmed Cali Jimcaale ayaa ku baaqay in la taageero dedaalada Socda Ee Lagu Doonayo Dhismaha Maamul Adag oo Degmada Ceel buur Yeelato.

Jaamac waxa uu sheegay inay Mas’uuliyiinta Degmada Ceel buur ku rajo weyn yihiin inay sii wadaan doorkooda lagu hormarinayo dadka deegaankaasi ku dhaqan.

Gudoomiyaha Gal gaduud waxa uu shaaca ka dhigay inay muhiim tahay is garab taag loo muujiyo Maamulka Ceel buur si loo xoreeyo oo Gacanta Argagaxisada looga saaro Magaalada kadibna iskula shaqeeyaan Dhamaan Maamulada Deegaanada Ceel buur hoos yimaada.

Galmudug ayaa waxay ku jirtaa sidii loo heli lahaa Deegaanada Gacantooda ka maqan xilli khilaaf Madaxdeeda uu jiro oo sababtay in labo Magaalo Xarumo ka kala dhigtaan.

Axmed Xaaf ayaa waxa uu yahay Madaxweynaha Sharciga sida uu sheeganayo xilli Shalay Cadaado Axmed Baasto Xildhibaano ay ku doorteen isna sheegtay inuu si xaq iyo xalaal ah lagu soo doortay.