Dhageyso Faroole oo ku dhawaqay Hadal ka caraysiiyay Madaxweyne gaas iyadoo lagu guda jiro socdaalkii farmajo ee puntland

19 total views, 1 views today

Madaxweynihii Hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxmuud Faroole oo Shir Jaraa,id ku qabtay mgaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa uu si cara leh kaga hadlay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxa uuna sheegay in taasi dhibaato badan fara badan ay horseedayso waxa uuna ku baaqay in lajoojiyo.

Faroole Waxa uu soo hadal qaaday hadal uu madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas xalay uu jeediyay kaas oo uu kaga hadlayay Dagaalka ka qarxay Tukaraq waxa uuna Dr Gaas Tilmaamay In Somaliland ay taageero siinayso Daacishta ku dhuumaaleesanaysa gobolada Puntland Faroole ayaana Hadalkaas ku tilmaamay Mid xanaf leh oo colaad ka dhex abuuri kara Puntland Iyo Somaliland.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.