Dhageyso:-Ehelada Askari Ay Dileen Ciidanka Amisom Oo Sheegay In Aan La’aaseyn Baaqna U Diray Madaxda Dowladda

???????

26 total views, 1 views today

Xalay Fiidkii Ayaa Ciidamo Ka Tirsan Kuwa AMISOM Waxa Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Ku Dileen Barkoontorool Oo Ku Taalla Isgoyska Km4 Halkaas Oo Laga Ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Xiliga Uu Falkaan Dhacayay Ayaa Dagaal U Dhaxeeyay Rag Ka Tirsan Shabaab Iyo Ciidanka Dowladda Waxa Uu Ka Socday Meel Aan Ka Fogeyn Madaxtooyada,Waxana Askarta Ku Sugan Koontorolka Ay Ciidamada AMISOM U Diideen In Ay Koontoroolkaas Gudbaan Halkaasna Ay Ciidamadii AMISOM Rasaas Ku Fureen Sixooga Ahna Ugu Gudbeen.

Goobtaas Ayaa Waxaa Ku Geeriyooday Mid Ka Mid Ah Askarta Ciidamada Dowladda Oo Lagu Magacaabi Jiray Axmed Xuseen Cabdi Sida Ay Xaqiijiyeen Eheladiisa.

Cumar Geedi Cabdi Oo Ka Mid Ah Ehelada Askariga Ay Dileen Ciidamada AMISOM Ayaa Sheegay In Ciidamada AMISOM Ay Sibareer Ah U Toogteen Xili Uu Gudanayay Waajibaadkiisa Qaran.

Waxa Uu Sheegay In Aysan Jirin Ilaa Iyo Hadda Cid La Soo Xiriirtay Kalana Hadashay Dilka Wiilkooda,Waxa Uuna Sidoo Kale Sheegay In Meydka Aysan Aasi Doonin Ilaa Iyo Inta Laga Helayo Xaqiisa Ama Uu Cadaalad Ka Helo.

Ugu Dambeyn Madaxda Sare Ee Dowladda Soomaaliya Ayaa Waxa Uu Ugu Baaqay In Ay Tallaabo Ka Qaadaan Dadkii Ka Dambeeyay Dilka Askarigaas Xili Uu Ku Guda Jiray Waajibaadkiisa Qaran.