DHAGEYSO: Duqa Muqdisho “Waxaa Jira Canshuur Laga Qaado Shacabka Oo Aan Ku Dhicin Qasnadda Dowladda”

??????????????????????

21 total views, 1 views today

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Ay Jiraan Canshuuro Laga Qaado Shacabka Soomaaliyeed , Kuwaasoo Aan Ku Dhicin Qasnadda Dowladda.

Gudoomiyaha Ayaa Sheegay In Marnaba Aysan Aqbali Doonin In Shaqsiyaad Gaar Ah Ay Adeegsadaan Hantidda Loogu Tala Galay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa Uu Sidoo Kale Sheegay In Ay Ka Qaadi Doonaan Tilaabo Sharciga Waafaqsan , Islamarkaana Ay Ku Daba Jiraan  Shaqsiyaadka Falalkaasi Ku Kaca.

Gudoomiye Yariisow Ayaa Ugu Dambeyntii Tilmaamay In Canshuurta Laga Qaado Shacabka Ay Muhiim Tahay In Ay Ku Dhacdo Qasnadda Dowladda Si Dib Loogu Soo Celiyo.

Shacabka Muqdisho Ayaa Laga Qaadaa Canshuuro Badan Oo Qaarkood Aysan Ku Dhicin Gacanta Dowladda Iyo Sidoo Kale Maamulka Gobolka Banaadir.