DHAGEYSO: Ciidamo Gaar Ah Oo La Wareegay Amniga Magalada Garoowe

19 total views, 1 views today

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa waxaa lagu wareejiyay Amniga Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal oo falal amnidario ay ku soo bateen.

Ciidamadaas xasilinta ayaa habeen walba waxa ay holwgallo kala duwan ka sameeyaan Xaafadaha Magalada Garoowe,waxaana inta badan ay bartilmaameed sadaan Dhalinyaro maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa dhaca mobelada.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Janeraal Muxudiin Axmed Muuse oo si KMG ah xilkaas u haya ayaa Ciidamada kula dardaarmay inay soo xiraan askarigii ciidamadaas isaga hara,isla markaana loo aqoonsado inuu yahay burcada dhibaatada ku heysa dadka Shacabka ah.

Waxa uu sheegay taliyaha in Amniga Magalada uu yahay mid hagaagsan kadib markii ay inta badan gacanta ku dhigeen dhalinyaradii dadka habeenadii mobelka ka dhici jiray.

Si kastaba Shacabka ku nool Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay ka cabanayeen falal amnidarro oo ka jira Magalada iyo in xilliyada habeenkii dhac loo geysto.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal.