DHAGEYSO: Al Shabaab Oo Maanta Dib Uqabsaday Deegaan Ciidanka Dawlada Kusugnaayeen

56 total views, 2 views today

Al Shabaab ayaa waxay la wareegeen Deegaanka Daynuunaay Ee Gobolka Bay Kadib weerar mar kale maanta ay qaadeen.

Sida ay Al Shabaab sheegeen Ciidamadooda ayaa la wareegay Deegaankaas oo 23 ilaa 24 Km ujira Magaalada Baydhabo Ee Caasimada Gobolka Bay.

Al Shabaab waxa ay sheegeen inay gacan ku heynta Deegaankaas ay la wareegeen kadib dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay.

Lama sheegin weli Khasaaraha inta uu la eg yahay,Al Shabaab Dhankooda ma aysan soo bandhigin hadii waxyeelo ay ugeysteen ciidamada Deegaankaas kusugnaa ama dhinacooda soo gaaray.

Abaan duulaha ciidanka Xoogga Dalka Guutada 60-aad Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif Shire waxa uu sheegay Talaadadii Todobaadkaan inaysan Al Shabaab la wareegi karin Daynuunaay.

15-kii Bishaan ayaa Daynuunaay Al Shabaab ay Saacado la wareegeen ka hor inta aysan ka bixin oo ciidanka Dawlada la wareegin.