Dhageyso:- Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dfs Cabdi Casiis Cali Oo Shaacisay In Gacanta Lagu Dhigay Dad Dilal Ka Geystay Muqdisho

31 total views, 2 views today

 Wasaaradda Amniga Soomaaliya Ayaa Shaacisay In Howlgalladii Ugu Dambeeyay Ee Laga Sameeyay Muqdisho Lagu Guuleystay In Lagu Qabto Rag Dilal Ka Geystay Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan Ayaa USheegay Warqaat.com In Ciidamada Amniga Ay Gacanta Ku Dhigeen Ninkii Ka Dambeeyay Dilka Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dilay Muqdisho.

Waxa Uu Sheegay In Markii Uu Dilka Dhacay Ay Durba Ciidamadu Sameeyeen Howlgal Kaas Oo Keenay In Isla Goobta Lagu Qabto Ninkii Ka Dameeyay Dilka Askarigaas.

Waxa Uu Sheegay In Dhawaan Gacan Ku Dhiiglaha Ay Soo Gudbin Doonaan Magaciisa Isla Markaana Ay Maxkamada Horgeyn Doonaan Si Cadaalad Loo Marsiiyo Sid Uu Hadalka U Dhigay.

Labadii Maalmood Ee La Soo Dhaafay Ayaa Muqdisho Waxaa Ka Dhacayay Dilal Qorsheysan,Waxana Shalay Degmada Hodan Lagu Dilay Xidigle Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Oo Lagu Magacaabi Jiray Farxaan Barkhad.

Hoos Ka Dhageyso