Dhageyso:-27 Sano Kadib Xili Habeen Ah Diyaarad Rakaab Siday Oo Ka Duushay Garoonka Aadan-Cadde+Sawirro…

25 total views, 1 views today

27 Ka Dib Ayaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cade Ayaa Xili Habeenkii Ah Ayaa Waxaa Ka Duushay Diyaarad Rakaab Ah Ayna Raaceen Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalaga Caasimadda Ah Ee Muqdisho Ayaa Bilihii Lasoo Dhaafay Waxaa Lagu Waday Dibu Casriyayn Kaasoo Ku Aadan Diyaaradaha Rakaabka Ah Iyo Kuwa Gaarka Ah Ay Ka Soo Degi Karaan Ayna Ka Duuli Karaan.

Wasiirka Gaadidka Iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar Oo Sagootinayay Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Mid Ahaa Masuuliyiintii Raacday Diyaarada Rakaabka Ah Ayaa Ka Hadlay Muhiimada Shqada Habeenkii Ee Garoonka.

“Waxaad Arkeysaan In Xili Haben Ah Garoonka Ay Iyaarad Ka Duushay Waliba Mid Rakaabb Ah Runtii Waa Arrin Ku Dayasho Mudan Oo Loo Baahnaa Waxan Ku Hiirigelinayaa In Shirkadaha Diyaaradaha Ay Uulimaaka Habeenkii Ka Qeyb Galaan Agr Ahaan Habeenka Khamiista Ee Jimco Soo Galeyso E La Bixi Oono Ayuu Yiri Wasiirka”

Wasiirka Maaliyadda Oo Isna Ka Mid Ahaa Rakaabkii Xalay Raacay Diyaaradii Ka Duushay Garoonka Ayaa Sheegay In Uu Aad Ugu Faraxsan Yahay In Xili Habeen Ah Uu Garoonka Aadan-Cadde Ka Dhoofo Uuna Tago Nairobi.

Tani Ayaa Ka Dhigan Guulaha Ay Gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Horumarka Dalka Maadaama Ay Bulshada Soomaaliyeed Xili Habeen Ah Ay Garoonka Ka Heli Karaan Duulis Iyo Soo Degid.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Wasiirada Gaadiidka