Dhagayso:- Maamulka Gobolka Banaadir Oo Gubay Daawo Iyo Qalab Caafimaad OO dhacay( Yaadalka Soogaliyay) +SAWIRRO

19 total views, 1 views today

Dawooyinkaan Iyo Qalabka Caafimaad Ayaa Maamulka Gobolka Banaadir Waxaa Uu Maanta Ku Gubay Goob Fagaaro Ah Oo Ku Taala Duleedka Degmada Kaaraan  Gaar Haan Deegaanka Gubadleey.

Goobta Lagu Gubayay Dawooyinka Dhacay Iyo Qalabka Caafimad Ayaa Waxaa Ku Sugnaa Masuuliyiin Ay Ka Mid Ahaayeen Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr Cabdullaahi Xasan Maxamed (Nuune) Iyo Afhayeenka Gobolka Cabdifitaax Cumar Xalane Iyo Saraakiil Ka Socotay Laamaha Amniga Soomaaliya.

Dawooyinkaan Iyo Qalabkaan Sheybaarka Wax Lagu Baaro Ah Ayaa Waxaa Dalka Horay U Keenay Hay’ad Laga Leeyahay Dalka Ingiriiska Ayna U Soo Marsiiyay Hay’addo Kale,Waxaana Baaritaano Lagu Sameeyay Kadib Laga Soo Saaray Kuwo Dhacay Iyo Qalab Aan Wanaagsaneyn Kuwaas Oo Maanta La Gubay Sida Uu Goobta Ka Sheegay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr Cabdullaahi Xasan Maxamed (Nuune).

Waxa Uu Sheegay Agaasimaha In Gobolka Banaadir Waaxda Fayadhowrka Ee Dekada Ay U Taagan Yihiin In Ay Bulshada Soomaaliyeed Ka Badbaadiyaan Dadka Waxyaabaha Qatarta Ku Ah Dalka Soo Gelinaya.

Dhinaca Kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa Uga Digay In Dalka Lasoo Geliyo Waxyaabo Dhacay,Waxa Uuna Sheegay In Cidii Lagu Arkayaa Iyada Oo Dalka Soo Gelinaysa Waxyaabo Dhacay Ay Tahay Cadaw.