Dhaawacyadii ugu dambeeyay Qariix Soobbe oo laga soo sagootiyay Turkiga

14 total views, 1 views today

Dalka Turkiga waxaa xalay laga soo sagootiyay 6dii qof ee ugu dambeysay ee ka mid ahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxii Soobbe ka dhacay 14kii October ee Sanadkii hore.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga,Wasaaradda Caafimaadka ee Turkiga iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya sagootinta loo sameeyay dadkii ugu dambeeyay dhaawacyadii ugu dambeeyay ee la geeyay Turkiga kuwaas oo hadda intooda badan bogsaday.

Dadka la soo celiyay waxaa ku jira kuwa lixaadka waxyeello ka gaartay waxaana ka mid ah qof ku socda Gawaarida ay ku socdaan dadka lixaadkooda dhimayhay.

Dalka Turkiga waxaa guud ahaan la geeyay 35 Qof oo ka mid ahaa dhaawacyadii Soobbe waxaana la socday 34 Qof oo ehelkooda ahaa,guud ahaanna waxaa dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.