DEG DEG+SAWIRRO: Labo Qaraxyo Goordhow laga maqlay Muqdisho.

1,374 total views, 1 views today

labo qarax oo waa weyn ah ayaa goordhow laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Dadka Reer Muqdisho ayaa arkaya Jugta uuro cirka isku shareertay, iyadoona la soo sheegayo in labada qarax ay ka dhaceen Nawaaxiga Isgooska KM 4 ee Magaalada Muqdisho.

Warar ay heshay Warqaat.Com  ayaa Sheegaya in qaraxa koowaad uu ka dhacay Xarunta Dambi barista ee CID-da, halka midka labaadna uu ka dhacay hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warqaati.Com  u sheegay in qaraxyada ay ka dhaceen CID-da iyo Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Gurmadka ayaa gaaray goobta ay ka dhaceen qaraxyada , iyagoona bilaabay in ay daad gureeyaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada.