DEG DEG-Xiisad Ka Taagan Dhinaca Somaliland ee Tukaraq Malayshiyaad Lagu Daabulyo, Ciidamo Gedoodey iyo Madaxweyne Gaas oo Balanqaad Helay.

18 total views, 1 views today

Ciidamada maamulka Soomaaliland ayaa lagu soo waramayaa inay hub urursi ka bilaabeen deegaamo katirsan gobolka Sool si ay ugu xoojiyaan ciidankooda ku sugan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Soomaaliland malayshiyaad iyo gaadiid dagaal oo ay jartay ay diyaarinayso kadib markii ay qaar kamid ah ciidamada ku sugan Tukaraq ee gobolka Sool ka cagajiideen xiisadda iyo dagaalka Tukaraq.

Wararka ay helayso shabakadda Warqaat.Com ayaa sheegaya in beelaha dega gobolka Sool ay balan qaad sare siiyeen madaxweynaha Puntland si ay Soomaaliland uga xoreeyaan magaalada Laascaanood iyo deegaamo katirsan gobolka Sool.