DEG DEG: Shabaab oo War rasmi ah kasoo saartay Dilka Aabaha dhalay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada….

14 total views, 1 views today

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay dil xalay loo geystey Cali Nuur Shuute oo ahaa aabaha Col Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida.

Warbaahinta ay maamulaan Al-Shabab iyo kuwa kale oo taageera ayaa shaaciyay in dilka Cali Nuur Shuute ay qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka sida ay baahisay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab.

Marxuum Cali Nuur Shuute ayaa lagu dhex diley guri uu ka degenaa degmada Dharkeynley xalay fiidkii waxaana ragii dilka geystey ay ka baxsadeen goobta.

Sidoo kale ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay mas’uul ka ahaayeen dil habeen hore loo geystey askari ka tirsanaa ciidmada dowlada gudaha degmada Waaberi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.