DEG DEG: Sarkaal qeyb weyn ka qaatay Qaraxii Soobe iyo Mid Pakistani ah oo la Toogtay

4,406 total views, 1 views today

(Warqaat.com)—Ciidammada Xoogga Dalka Ayaa Guulo Waa Weyn Ka Gaaray Howlgalo Baaxad Leh Oo Ay Ka Sameeyeen Deegaano Ka Mid Ah Gobalada Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe.

Abaanduulaha Qeybta 27-Aad Ee Ka Howlgasha Gobalada Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye Guuto Saalax Muumin Muuse Ayaa Sheegay In Howlgalada Ay Ciidammada Xoogga Dalka Ku Dileen Sarkaal Ka Qeyb Qaatay Qaraxii Soobe Iyo Mid Dhalashadiisu Tahay Pakistan Oo Ka Mid Ah Qolada Miinada Dhigta.

“Khasaaro Badan Ayaa Soo Gaaray Argagaxisada Guulaha Hada La Taaban Karo Waxaa Ka Mid Ah Ninkii Miinooyinka Sameyn Jiray Oo Qaraxyada Waliba Ragii Ugu Cuslaa Oo Qaraxii Soobe Ka Qeyb Qaatay Ayaan Halkaasi Ku Dilnay, Nin Kale Oo Ajnabi Ah Oo Dhalashadiisu Tahay Pakistan Ayaan Dilnay Oo Isna Qoloda Miinada Dhigta Ah Iyo Macalin Habka Miinada Loo Dhigo Ku Tababara Argagaxisada Iyo Rag Badan Oo Qoladii Miinda Dhigeysay Iyo Maleeshiyo Leh Ayaan Halkaas Ku Dilnay”.

Abaanduulaha Qeybta 27-Aad Ayaa Sheegay In Deegaano Badan Ay Al Shabaab Kala Wareegeen Sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano U Dhaxeeya Buulo Barde Iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad Oo Ka Dhacay Inta U Dhaxeysa Buulo Barde Iyo Fiidow Ay Ciidammada Xoogga Kula Wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar Lugoole Iyo Deegaano Kale.