DEG DEG: R/W Xasan Cali kheyre oo Magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya…

26 total views, 1 views today

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ayaa Magacaabey Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Gaashandhigga ,Iyadoo Xilkii Laga Qaadey Wasiirkii Diinta Iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Eng. C/Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Ayaa Sheegay In Degreetadaasi Ka Soo Baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Lagu Magacaabey Wasiirka Gaashaandhigga Ee Cusub Islamarkaana Xilkii Looga Qaadye Wasiirkii Diinta Iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Xilkii Wasiirka Gaashaandhigga U Magacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan,Iyadoo Sidoo Kale Isla Degreetadaasi Xilkii Laga Qaadey Wasiirkii Owqaafta Iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/Llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta Iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Waxaa Sii Haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/Xakiin Xuseen Ashkir.

 

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.