DEG DEG: Qaraxyo kala duwan oo ka dhacday Muqdisho & Xog aan ka helnay…

?????

18 total views, 1 views today

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ka dhacay Xaafadda Buulo Xuubey ee degmadaasi Wadajir, waxaana la sheegay in gaargiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad Sugida, inkastoo uu ka badbaaday qaraxaasi.

Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, sida ay xaqiijiyeen Ilo deegaanka ah.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Laamaha Ammaanka oo ku aadan qaraxaasi

Dhinaca kale waxaa Bomb Gacmeed lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Towfiiq ee Degmadaasi Yaaqshid.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Dowladda ka soo gaaray weerarkaasi.

Illaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo uu Maamaulka Degmada Yaaqshiid ka soo saaray weerarkaasi.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah amaanka, mana muuqato qorshe ay wax kaga qabaneyso Dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.