DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Goordhaw Ka Dhacay Muqdisho…

19 total views, 1 views today

Wararka Ka Imaanaya Degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir, Ayaa Sheegaya Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Federalka Somaliya In Halkaasi Lagula Eegtay Qarax Miino.

Qaraxan Ayaa Waxaa Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Xasilinta, Xilli Ay Ku Lugeynaayeen Isgoyska Tarabuunka Ee Degmada Hodan, Sida Ay Xaqiijiyeen Goobjoogayaasha.

Miinada Ayaa Lagu Aasay Wadada Dhinaceeda, Waxaana La Qarxiyay Xilli Ciidanka Ay Marayeen Meel Ku Dhaw Goobta Lagu Aasay Miinada Ee Isgoyska 

Hal Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Ayaa Lagu Soo Waramayaa Inuu Ku Dhintay Qaraxaasi, Waxaa Kale Ku Dhaawacmay Mid Kale Sida Saraakiisha Ay Xaqiijiyeen.

Al Shabaab Oo Sheegtay Masuuliyadda Qaraxaasi Waxa Ay Sheegeen Inay Ku Dileen Saddex Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya.

Marka Laga Soo Tago Sheegashada Shabaab, Waxaa Xusid Mudan Hal Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Inuu Ku Dhintay Qaraxaasi.

Ciidamo Kale Oo Gurmad Ah Oo Soo Gaaray Ciidanka Qaraxa Lala Eegtay Ayaa Goobta Ka Sameeyay Hawlgal Waxayna Soo Qabteen Dhawr Qof Oo Ay Tuhmayaan Inay Falkaasi Ka Dambeeyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.