DEG DEG:-Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye..

52 total views, 1 views today

Wararka Naga Soo Gaaraya Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Barqanimadii Maanta Uu Ka Dhacay Qarax Ismiidaamin Ah.

Qaraxaan Ayaa La Sheegay In Lala Beegsaday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Gaar Ahaan Kuwa Ay Tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Goobjoogayaal Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Gaari Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa Lagu Weeraray Saldhigga Ay Degan Yihiin Ciidamada Dowladda,Waxana Qaraxa Kadib La Maqlay Rasaas Culus.

Weli Macada Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaas,Iyada Oo Goobta Ay Wax Ka Dhaceyn Aan La Ogoleyn In Dadku Ay Ku Dhawaadaan.