DEG DEG:-Qarax Goordhow Ka Dhacay Ex Koontorool Afgooye Ee M/Muqdisho

16 total views, 1 views today

War Goordhow soo gaaray Warqabadka Warqaat.Com ayaa waxa uu sheegayaa in qarax uu ka dhacay Ex Koontorool Afgooye kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa Miino lagu aasay dhulka kaas oo lala eegtay gaari nooca Cabdi Bilaha ah loo yaqaano oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda xili uu taagnaa meel dhowr tallaabo u jirta ex Koontorool gaar ahaan dhanka Wadada aada Warshadaha.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Goobta uu Gaariga yaalay ay aheyd Goob Gawaarida lagu aaryeeyo ee loo yaqaano Goomiistaha,islamarkaana ay dhaawacyo ka soo gaareen Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala socda Warqaat.com.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.