DEG DEG: Miino ay dhigeyn kooxda Shabaab oo ku Qaraxday Gaari Dad shacabka saaran yihiin…

20 total views, 1 views today

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino uu qabsaday gaari nooca xamuulka ah oo siday bal.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay inta udhaxeysa degaanada Bunqabad iyo Ambareeso ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana halkaasi ku dhintay laba ka mid ah rakaabkii saarnaa gaariga.

Saddexda qof ee dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxa ayaa waxaa loo qaaday goobaha caafimaadka Magaalada Baraawe, waxaana u soo gurmaday ciidamada AMISOM oo dhaawacyada halkaasi ka qaaday.

Qaraxan miinada oo wadada ku aasnaa, ayaa sida Saraakiisha ay sheegeen waxaa wadada galiyay Ururka Al Shabaab oo la damacsanaa inay ku qarxiyaan gaadiidka AMISOM ee wadadaasi isticmaala.