DEG DEG: Maamulka Diinsoor oo sheegay in ay dileen Sarkaal Shabaab ka tirsanaa

?????

21 total views, 1 views today

Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa sheegay in Sarkaal Shabaabka ka tirsanaa lagu dilay hawlgal ka dhacay duleedka degmadaasi, iyadoo tiro kale oo Shabaab ahna gacanta lagu dhigay.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo la hadlay Warqaat.Com ayaa sheegay in hawlgal ay Khamiistii iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay Degaanka Raaxoole lagu dilay Sarkaalka Shabaabka ka tirsanaa.

Sarkaalkan la dilay, ayuu sheegay inuu ahaa mid hoggaaminayay Dagaalyahano 20 gaareysa oo Shabaabka tirsan, laguna weeraray Degaanka Raaxoole oo 50-KM u jirta Degmada Diinsoor, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hawlgalkaasi lagu soo qabtay Saddex ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo sida uu sheegay la keenay Degmada Diinsoor, isla-markaana ay cadaaladda horgayn doonaan.

Gudoomiyaha, ayaa xusay inaanay Shabaabku lahayn awood ay ugu babac-dhigi karaan labada ciidan, ha yeeshee ay iyagoo tiro yar duleedyada Diinsoor ku dhibaateeyaan shacabka.