Deg Deg: Kulan Xasaasi Ah Oo Hadda Ka Socda Villa Soomaaliya Iyo Warar Sheegaya In..

15 total views, 1 views today

Wararka Hadda Naga Soo Gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya Ayaa Waxay Sheegayaan In Kulan Aad U Xasaasi Ah Ka Soconayaan, Kaasi Oo U Dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo Iyo Waxgarad Reer Muqdisho Ah.

Kulankaan Ayaa La Sheegayaa Inuu Yahay Mid Farmaajo Uu Dalbaday, Waana Mid Gaar Ah, Waxaana Laga Wada Hadlayaa Arrimo La Xiriira Muqdisho Iyo Maqaamkeeda.

Xogta Aan Helnay Ayaa Sheegeysa In Farmaajo Uu Doonayo In Waxgaradka Beelaha Deggan Muqdisho Si Hoose Uga Dhaadhicyo Inaanay Dowladda Hor Boodin Oo Ay Ka Warsugaan Arrimaha Ku Aadan Maqaamka Magaalada Muqdisho.

Saxaafadda Loogama Wicin Kulankaan, Balse Wuxuu Daba Socdaa Sida Naloo Sheegay Xiisaddii Siyaasadeed Ee Ka Taagneyd Waayadan Dambe Gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.