DEG DEG: Koox hubeysan oo General hore ku dilay duleedka Afgooye

20 total views, 2 views today

(Warqaat.Com)—Koox hubeysan ayaa duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ku toogtay Alle ha u naxariistee General Guudle Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Milatariga Soomaaliya xiligii Dowladii Maxamed Siyaad Barre, waxaana sidoo kale la dilay Darawalkii Gaarigiisa.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Warqaat.Com u sheegay in Marxuumka iyo darawalkiisa lagu dilay deegaanka DOONKA ee duleedka degmada Afgooye isagoo soo fiirsanayay Beer uu halkaasi ku leeyahay waxaana la qaatay Gaarigii ay wateyn.

Wararka ay heshay Warqaat.Com ayaa xaqiijinaya in Marxuumka la dilay uusan wax shaqo ah ku lahayn Dowlad iyo Arimo siyaasadeed waxa uuna ahaa Beeralay iyo Xoolo dhaqato tan iyo Dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan sanadkii 2000 ilaa 2004tii , General Guudle ayaa mar soo noqday Taliye Qeyb Dowladii Maxamed Siyaad Barre, Warar laga helay Qoyskiisa ayaa sheegaya in dhowr Jeer Dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay ay ka dalbadeyn inuu la shaqeeyo basle uu ka cudur daartay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku eedeeyay dilkaan iney fuliyeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, Warqaat.Comn ma heyso xaqiiqada in Kooxda dilka fulisay ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, Shabeelaha Hoose ayaa waxaa dilal ka geesta Al-Shabaab, Kooxo qabiil u baabulan iyo rag burcad ah oo wadooyinka dadka u gala.