DEG DEG: Jubbaland oo xukun dil ku fulisay Askari

18 total views, 1 views today

(Warqaat.Com)—Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee Jubbaland ayaa dil ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada Jubbaland kadib dhageysiga kiis dil ah oo loo heystay.

Cabdiraxmaan Ilyaas Jiirow oo ka mid ahaa Ciidamadda Jubbaland ayaa shalay askari kale ku dilay Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo, Marxuumka la dilay ayaan lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Axmed Iidle.

Maxkamadda ayaana la horkeenay Marqaatiyaal, intaas kadibna xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidanka qalabka sida Mowliid Axmed Yaasiin ayaa sheegay in dacwadda kiiskan ay tahay mid dil ah oo ay ku cadahay in eedaysane Cabdirahmaan Ilyaas Jiirow in uu si bareer ah u dilay marxuumka lagu magacaabo Cabdinaasir Axmed Iidle .

Markii ay soo dhamaatay dhageysaga dacwadda loo haystay Cabdiraxmaan Ilyaas Jiirow, oo ahaa mid dil ah ayaa gudoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida Bashiir Maxamuud Xareed sheegay in ay maxkamadu dil ku xukuntay Eedeysane Cabdiraxmaan Ilyaas.

Intaas kadib Eedaysane Cabdirahmaan Ilyaas Jiirow markii Maxkamadda Ciidamadda qalabka Sida xukun ku riday ayaa lagu fuliyay xukunka oo ahaa  qisaasta marxuumkii uu dilay.