DEG DEG: Gaari Laga Soo Buuxiyey Walxaha Qaraxa Oo Goor Dhow Lagu Qabtay Magaalada….

22 total views, 1 views today

Wararka nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay ciidamada Jubbaland gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaasi oo la doonayey in Kismaayo lagu weeraro.

Xaafad kamid ah Kismaayo ayaa gaarigan lagu qabtay, sida ay inoo sheegeen dad ku sugan magaaladaasi, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay Labo nin oo looga shakiyey in gaarigan ay wadeen.

Lama oga halka ay la doonayeen iney ku qarxiyaan, hase ahaatee waxay taasi walwal aan caadi ahayn ay gelisay shacabka ku dhaqan Kismaayo.