DEG DEG:-Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaali Ah Oo Goordhow Soo Gaartay Muqdisho

21 total views, 1 views today

Waxaa Goordhow Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde E Magaalada Muqdisho Ka Soo Degtay Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaaliyeed Oo Laga Keenay Dalka Hindiya Kadib Markii Laga Soo Daayay Xabsiyada Dalkaas.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde Ayaa Waxaa Maxaabiistaas Ku Soo Dhaweeyay Masuuliyiin Uu Ka Mid Ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Abukaate Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Cadaalada, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Iyo Ehelada Maxaabiistaas.

Tallaabadaan Maanta Dalka Dib Loogu Soo Celiyay Maxaabiis Laga Keenay Dalka Hindiya Ayaa Qeyb Ka Ahaa Heshiis Dhex Maray Dowladda Soomaaliya Iyo Dowladda Hindiya,Iyada Oo Horay Maxaabiis Looga Keenay Dalkaas.